
Xaysiis | Tartanka Nabadda ee Warbaahinta & Suugaanta
Hay’adda PSA waxay si rasmi ah u shaacinaysaa Baaqa Soo Gudbinta Hal-abuurka ee Tartanka Nabadda Puntland ee Warbaahinta iyo Suugaanta. Tartankan waxaa lagu aqoonsanayaa laguna maamuusayaa doorka hal-abuurku ku leeyahay horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo isku-duubnida bulshada Puntland. PSA waxa ay ku martiqaadaysaa abwaannada, hal-abuurayaasha, filim-sameeyayaasha, suxufiyiinta iyo soo-saarayaasha nuxurka warbaahinta inay soo gudbiyaan hal-abuurro asal ah oo diiradda saaraya nabad-dhisidda.
๐๐๐ฒ๐๐๐ก๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐๐ง๐ค๐
1. ๐ด๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐ต๐๐๐๐ ๐ ๐: Filim gaaban, dokumentari ama muuqaal hal-abuur leh oo gudbinaya farriimo ku saabsan nabadda, xalinta khilaafaadka, wadajirka bulshada ama adkaysiga bulshooyinka.
2. ๐บ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ต๐๐๐๐ ๐ ๐: Suugaan asal ah oo af-Soomaali ku baxaysa, sida gabay, buraanbur ama geeraar, kana tarjumaysa midnimo, is-cafis iyo rajo. Suugaanta waxaa lagu soo gudbin karaa muuqaal maqal iyo muuqaal ah.
๐๐ก๐ฎ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ง๐ญ๐
1. ๐ช๐๐ ๐ ๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐: Tartanku wuxuu u furan yahay dadka ku nool gobolka Mudug iyo dagsiimada Sheerb. Waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa dhallinyarada, haweenka iyo bulshooyinka fursadaha yar haysta inay ka qayb galaan.
2. ๐ด๐๐๐ ๐๐๐๐: Dhammaan hal-abuurka la soo gudbinayo waa inuu diiradda saaraa nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta bulshada, rabshad-laโaanta ama midnimada dhaqan.
3. ๐ฏ๐๐-๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐:
โข Magaca oo buuxa ee hal-abuuraha
โข Daโda iyo degmada uu ka soo jeedo
โข Faahfaahinta contactska, sida lambarka taleefanka iyo iimaylka
โข Cinwaanka hal-abuurka iyo sharraxaad kooban oo aan ka badnayn 200 oo eray
๐๐๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ๐๐๐ฌ๐ก๐
Kaalinta Koowaad: $500
Kaalinta Labaad: $400
Kaalinta Saddexaad: $ 300
๐๐๐๐ค๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ
E-mail: commsofficer.psa@gmail.com
Hand Delivery: PSA Office – Villa Beyra, Galkayo
———————————————-
Gunaanad – Wixii faahfaahin ah la xiriir numberka: 0905667021